Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo qabsaday Sabiid


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay Al-Shabaab ka qabsadeen degaanno cusub oo u dhow degmada Afgooye.

Wararka aanu ka helnay dhinaca amniga waxay sheegayaan in cidamada dawladda ay qabsadeen Tuulada Sabiid oo ku taalla goob istiraatiiji ah, horeyna ay uga soo duuli jireen maleeshiyada Al-Shabaab xilliyada ay soo weeraraan degmada Afgooye.

Ilaa hadda ma cadda in weerarka ay ciidanku qaadeen uu qayb ka yahay hawlgallo ballaadhan iyo inuu ku egyahay degaanka Sabiid.

XS
SM
MD
LG