Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Barakacayaal ku dhintay dab ka kacay xero


Laba qof ayaa ku dhintay dab xalay habeen badhkii ka kacay xero ay ku nool yihiin dad barokacayaal ah oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Xeradan oo ay ku noolyihiin ilaa lix boqol oo qoys ayaa dabku uu gaadhay 246 guri.

Haddaba sida uu dabku u kacay iyo xaalada ay dadkii barakacyaasha ahaa ku sugan yihiin ayaa Cabdxakiim Maxamuud Shirwac uu ka waraystay gudoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barokacayaasha Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed “Xinif”.

Waxa uu ugu horeyn weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo xeradu halka ay ku taalo iyo sida uu dabku u kacay.

Hargeysa: Barakacayaal ku dhintay dab ka kacay xero
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00

XS
SM
MD
LG