Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Solskjaer oo la dallacsiiyay


Ole Gunnar Solskjaer
Ole Gunnar Solskjaer

Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in macallinki kumeel gaarka ahaa Ole Gunnar Solskjaer ay ka dhigtay tababaraha joogtada ah ee kooxda, kaddib marki uu saxiixay Khamiista maanta ah heshiis saddex sano ah.

Macallinkaan 46 jirka ah ee u dhashay dalka Norway ayaa tan iyo marki sida kumeelgaaarka ah loogu dhiibay kooxdani bishii December, waxa uu badiyay 14 jeer 19 kulan oo uu ciyaaray dhamaan tartannadi uu ka qeybgalay.

Wuxuu xilka kala wareegay macallinki hore ee kooxda Jose Mourinho oo shaqada laga ceyriyay bishii December ee sannadki 2018-ki.

Solskjaer ayaa Manchester United horay ugu soo ciyaaray muddo 11 sano ah. Waxaa lagu xasuustaa goolki uu ka dhaliyay kooxda Bayern Munich sannadki 1999-ki, kaasoo ay kooxda United ku qaaday koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

XS
SM
MD
LG