Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pato uu ku biiray Sao Paulo


Pato

Weeraryahanki hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa Arbacadi shalay ku biiray looxda Sao Paulo ee dalka Brazil, kaddib marki uu kasoo tagay kooxda Tianjin Tianhai ee dalka Shiinaha.

Pato, oo horay ugu soo ciyaaray ka sokow Milan, kooxaha Corinthians, Chelsea iyo Villareal, ayaa qalinka ku duugay heshiis saddex sano ah, waana marki labaad oo uu ku biirayo kooxda Sao Paulo.

Weeraryahankaan 29, ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo billaabay kooxda Internacional ee dalka Brazil sannadki 2006 , wuxuu xilligaasi jiray 16 sano, durbaba wuxuu u wareegay AC Milan oo uu la qaatay shan sannadood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG