Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zidane oo dib ugu laabtay Real Madrid


Zinedine Zidane ayaa dib ugu laabtay maamulka naadiga Real Madrid, kadib markii uu ka tagay naadigaasi 10 bil ka hor.

Tababaraha reer Faransiis ayaa baddalaya Santiago Solari, oo tababarka naadiga maamulayay wax ka yar shan bil.

Ciyaar-yahankii hore ee qadka dhexe ee Real Madrid Zidane, oo hadda 46 sano jir ah, ayaa ka tagay naadiga bishii May ee sanadkii hore kadib markii uu naadiga u suura-galiyay inay hanato seddex Champions League oo isku xiga.

Hadda ayaa mar kale dib loogu yeeray shaqadaasi, isagoo kula heshiiyay in uu naadiga sii joogo illaa iyo 2022-ka.

Real oo qaab ciyaareedkeeda hoos u dhacay waayadan, ayaa 12 dhibcood ka hooseysa horyaalka La-liga naadiga ay xifaal-tamaan ee Barcelona. Waxay sidoo kale ka soo hartay Champions League, markii guul darro xanuun badan ay isbuiici tagay kala kulantay Ajax.

XS
SM
MD
LG