Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ehellada Soomaalidii ku dhimatay diyaaradda Ethiopian


Waddamada Itoobiya, Shiinaha iyo Indonesia ayaa shaqada ka fadhiisiyey dhammaan diyaaradaha nooca Boeing 737 Max oo ahayd noocii shalay ku burburay dalka Itoobiya.

157 qof oo kasoo kala jeeda 33 waddan ayaa ku dhintay shilkaasi.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya in dad door ah oo Soomaali asalkoodu yahay balse watay baasabooro kala duwan ay ku dhinteen diyaaradda.

Maalintii salay waxaan waraysanay Maxamed Xasan Cali oo walaashiis iyo gabadheeda ay ku dhinteen diyaaraddaasi.

Waxaa kale oo VOA loo xaqiijiyey in dadka dhintay uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Siraaje Xuseen Cabdi oo ku noolaa Gobolka Minnesota kana soo jeeday Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Haddaba Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa magaalada Dhagaxbuur kula xiriiray Dhuux Maxamed Ciise oo adeer u ahaa Siraaje Xuseen Cabdi.

Wareysi: Ehellada Soomaalidii ku dhimatay diyaaradda Ethiopian
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG