Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee ayuu u dhacay weerarkii Muqdisho?


Maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii xalay ka dhacay Muqdishu oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, in ka badan 88 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo maleeshiyo gashay dhisme ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta qaraxa laga maqlayay rasaas xooggan oo dhaceysa oo loo maleeynayo inay dhex mareysay kooxihii weerarka ku lug leh iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama gaar ahaan meel dadku ku badan yihiin kuwaasi oo ku shaaheeya kuna caweeeya maqaayadaha

Dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxa u ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay jidka Maka Al-Mukarama, gaa rahaan agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama iyo maqaayadda ee Hillaac UK.

Wararkii ugu dambeeyey saakana waxay sheegeen in ciidamadu ay ku hawlan yihiin inay soo af jaraan weerarka.

Faahfaahinta wararkii ugu dambeeyey halkan ka dhagayso

Weerarkii Muqdishu
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:15:44 0:00

XS
SM
MD
LG