Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo: Gabar yar oo la fara-xumeeyey kadibna la dilay


Galkayo Somalia
Galkayo Somalia

Meydka gabar yar oo ahayd 12 jir oo la la’aa ilaa shalay ayaa saaka laga helay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Duqa magaalada Gaalkacyo, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ayaa idaacadda VOA u sheegay in maydka gabadha lasoo dhigay guriga iridkiisa, ayna soo dhigeen dad watay baabuur lagu raad joogo.

Duqa ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay u caddeeyeen in gabadha lagu dilay ceego, islamarkaana jirkeeda ay ka muuqdeen nabarro.

Yaasiin ayaa sheegay in dilka ka sokow, gabadha yar sharafteeda lagu cayaaray oo la fara-xumeeyey, wuxuuna intaas ku daray in magaalada uu ka socdo baaritaan xooggan.

Waxa uu sheegay in falalka noocan oo kale ay toddobaadyadii dhowaa kusoo kordheen magaalada Gaalkacyo ayna gaysanayaan dhallinyaro.

XS
SM
MD
LG