Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ka shaqeynayey nadaafadda oo lagu laayey Sh/Hoose


Lower Shabelle, Somalia
Lower Shabelle, Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa idaacadda VOA u sheegay in sagaal qof oo nadiifinayey waddo lagu dilay degaanka Lafoole ee gobolkaas.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in dadkan ay dileen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadkan loo bartilmaameedsaday maadaama ay waddada nadiifinayeen kana shaqaynayeen bilicda degaanka.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan dooneyn in waddooyinka la nadiifiyo, sababtuna ay tahay ayaga oo qashinka u adeegsada inay ku qariyaan waxyaabaha qarxa

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay isugu jiraan lix haween ah iyo saddex rag ah.


XS
SM
MD
LG