Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeeysan ay maanta Muqdisho ku dileen ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Cabdiraxmaan Mursal.
Dilka ka dib, ayay kooxda dilka geesatay baxsadeen iyaga oo watay gaariga marxuumka balse markii dambe isaga tagay.
Faah-faahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.