Ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa waxay hawl-gal ka dhan ah al-Shabaab ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil u hadlay ciidamada ayaa sheegey in ay khasaare u geysteen kooxda al-Shabaab, ayna ka saareen edegaanno ay horey u joogeen.
Wariyaha VOA ee Baladweyne Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa taliyaha ciidamada Jalalaqsi Cismaan Cameey Muxumad ka wareeystay hawl-galkaasi iyo weerar al- Shabaab ay shalay sheegteen in ay ku qaadeen degmada Jalalaqsi.
Facebook Forum