Tartanka orod-ka dheer oo ay ka qayb-galayeen orod-yahanno ka kala socda Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa.
Tartankan oo loo bixiyay Somaliland Marathon, ayaa furitaankiisii waxa ka qayb-galay mas'uuliyiin ka kala socota Jabuuti iyo Somaliland, waxaana kaalmaha hore ku guulaystay dhallinyaro ku ordaysay magaca Somaliland.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.