Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho oo xukun xabsi lagu riday


José Mourinho
José Mourinho

Macallinkii hore ee Manchester United, Jose Mourinho ayaa ogolaaday xukun xabsi oo ah qiyaameyn la xiriirta canshuuraha dalka Spain, hase yeeshee ma geli doono xabsiga.

Xukunka xabsi ee halka sano ah, oo Mourinho maanta lagu riday, ayaa waxa uu ku beddelan doonaa inuu bixiyo 182,000 oo Euro. Waxaa taas dheer ganaax lacageed dhan 2 milyan oo Euro oo lagu xukumay.

Spain ayaan inta badan dhaqan-gelin xabsiyada ka yar labada sano ee aan la xiriirin rabshadaha ama ah markii ugu horreysay ee uu qofka dambi galo.

Mourinho ayaa waxaa lagu eedeeyey in mas’uuliyiinta canshuuraha dalka Spain ay ku leeyihiin canshuur dhan 3.3 milyan oo Euro oo ah intii uu ahaa macallinka kooxda Real Madrid.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inuu sameystay shirkad ku taalla dibedda Spain oo uu ku qariyo lacagta kasoo gasha xayeysiimaha ganacsi ee uu sameeyo.

XS
SM
MD
LG