Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mootooyinka oo laga ururinayo Muqdisho


Dowladda Soomaaliya, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay guud ahaan magaalada Muqdisho ka xareysay mootooyinka labada lug leh, gaar ahaan nooca loo yaqaano Fekonta.

Gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Maxamed Tuulax, ayaa sheegay in mootooyinka ay qayb ka yihiin amni darada Muqdisho. Balse talaabadan ayaa sameysay nolosha dad badan iyo goobo ganacsi.

Cabdullaahi Saciid Jaamac Qoodeeye oo ah maamulaha shirkadda Dalab Express oo bixisa adeegyada degdegga ah, dadkana ugu geesa xaafadahooda adeegga ay ka dalbadaan ayaa ka hadlay saameynta ay arrintan ku yeelatay.

Waxa uu u warraamay weriyaheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG