Muddo ka badan la bilood ayaa waxaa xaniban sameynta baasaborka Soomaaliga ah. Xanibaadda baasaboorka ayaa saameyn ku yeeshey dadbadan oo u safri lahaa xalado caafimaad, qoys iyo waxbarasho. Dowladda federaalka ayaan war rasmi ah ka soo saarin illaa iyo hadda sababta keentay hakadka sameynta baasaboorada. Falastiin Axmed Iimaan ayaa warbixintan inoo faahfaahineysa.