Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea oo jabtay iyo Liverpool oo la hakiyay


FC Bournemouth
FC Bournemouth

Liverpool ayaa ka faa’ideysan weyday guuldaradi naxdinta laheyd ee Manchester City kasoo gaartay Talaadadi kooxda Newcastle United, ka gadaal marki ay arbacadi shalay barbarro 1-1 ah la dhaafi weyday naadiga Leicester City.

Haddii ay guulaysan laheyd Liverpool, waxay horyaalka ku qaban laheyd 7 dhibcood oo nadiif ah, iyadoo ay hadda ka harsanyihiin 14 ciyaarood oo kaliyah.

Liverpool waxaa goolka u dhaliyay daqiiqadii sadexaad ee ciyaarta laacibka u dhashay dalka Senegal Sadio Mane, halka Lieicester uu u saxiixay Harry Maguire.

Kooxda Chelsea ayaa ku jabtay garoonka Vitality Stadium kaddib marki ay kooxda Bournemouth kusoo dubatay 4-0.

Chelsea waxaa jajabsay Joshua King oo ka dhaliyay laba gool, halka goolasha kale ay saxiixeen David Brooks, iyo Charlie Daniels.

Waxay biloow xun u aheyd weeraryahanka cusub ee Chelsea Gonzalo Higuaiin oo todobaadki hore kaga soo wareegay kooxda Juventus iyo Milan oo uu amaah ugu joogay.

Guuldaradaan ayaa loo arkaa mid hor istaagtay rajadi ay Chelsea ka laheyd in ay ku guuleysato horyaalka xilli ciyaareedkaan.

Ciyaarihi kale, Tottenham waxay 2-1 ku qabatay Watford, Southhampton iyo Crstial Palace ay ku kala baxeen bareejo 1-1 ah.

XS
SM
MD
LG