Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goos-goos: Juventus, Chelsea oo Laga Badiyay iyo Liverpool oo la qabtay


Naadiga Juventus oo difaacaneysay koobka Coppa Italia, ayaa guul darro naxdin badan kala kulantay naadiga Atlanta.

Atlanta ayaa 3-0 dirtay Juventus, ciyaar xiiso badan oo labada kooxood ay wada yeesheen.

Tababare Massimiliano Allegri ayaa laga direy kursiga tababarka, kadib markii uu si carro leh dhulka ugu garaacay jaakadkiisa.

Fiorantina ayaa 7-1 ku xasuuqday Roma, kulan ka tirsan Coppa Italia.

Dhanka kale, horyaalka dalka Ingriiska, naadiga Chelsea ayaa guul darro xooggan kala kulantay naadiga Bournemouth.

Kooxda macallin Maurizio Sarri ayaa u adkeystay guul darro 4-0. Ciyaar-yahan Gonzalo Higuain, ayaa kulankiisa ugu horreyay u saftay naadiga Chelsea, waxana uu ciyaaray illaa iyo 65-daqiiqo, ka hor inta aan la baddalin.

Liverpool-na, waxay ku guul darreysatay inay ka faa'ideysato guul darradii shalay naadiga Manchester City ka gaartay horyaalka, waxana kooxda Reds-ka ay bar-baro gool iyo gool ah la gashay kooxda Leicester City.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa 6-1 kaga adkaatay Sevilla, waxana labada lug marka la isku daro koobka del Rey ay Barcelona ku guuleystay 6-3.

XS
SM
MD
LG