Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israsaaseyn dhimasho sababtay oo ka dhacday Balcad


Fatahaad ku dhifatay deegaanka agaarka degmada Balcad
Fatahaad ku dhifatay deegaanka agaarka degmada Balcad

Laba qof ayaa lagu dilay, afar qof oo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray israsaaseyn maanta ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka dhaawaca ah ayaa wxaa ku jiray xoghayaha dowladda hoose ee Degmada Balcad oo israsaaseynta ay dhex martay ciidamadiisa iyo ciidamo taabacsan gudoomiyaha maamulka degmada Balcad.

Sida uu VOA u sheegay Ugaas Maxamed Wali Ugaas Xuseen oo kala dhex galay labada dhinac ee dagaalamay, iska hor imaadka ayaa ka dhashay bar kontarol oo lacago lagaga qaado gaadiidka isaga kala goosha degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho.

Xaalada Degmada Balcad ayaa xiligan caadi ku soo noqotay waxaana dib u billaabmay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

XS
SM
MD
LG