Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Monaco oo eriday Thierry Henry


Thierry Henry
Thierry Henry

Maamulka kooxda Monaco ayaa shaqada ka ceyriyay tababarahoodii Thierry Henry kaddib marki uu kooxda leyliyay kaliyah 20 kulan.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warramay in Henry uu kooxda ka tagay waxyar ka hor inta aanan xilka laha qaadin.

Waxaana laacibki hore ee xulka Faransiiska iyo kooxda Arsenal booskiisa si ku meel gaar ah loogu dhiibay Leonardo Jardim oo saddex bilood ka hor isna xilkaasi laga eryay.

Monaco waxay aheyd kooxdi ku guuleysatay horyaalka France sannadki 2017-ki, balse hadda waxay qarka u saarantahay in ay u laabato heerka labaad haddii aysan guulo ka keenin kulamada u harsan horyaalka ee xili ciyaareedkaan.

Henry wuxuu badiyay mudadadi uu joogay 5 jeer. Bishi October ayaa xilkaas loo dhiibay.

XS
SM
MD
LG