Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan qof oo aano qabiil loogu dilay Hiiraan


Hiiraan
Hiiraan

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka xita degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dheacay degaan lagu magacaabo Ceel Xeero, halkaas oo lagu dilay laba qof oo reer miyi xoolo dhaqata ah.

Odayaal degaanka ayaa ku baxay in ay ka hortagaan iska hor imaadyo kale oo degaanka ka dhaca.

Dhinaca kale waxaa deggan xaalada degaano ku yaala xuduuda Goblada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo horaantii todobaadkan ay ka dhaceen dilal ku saleysan aanooyin qabiil

XS
SM
MD
LG