Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal oo Garaacday Chelsea


Alexandre Lacazette
Alexandre Lacazette

Kooxda Arsenal ayaa soo nooleysay rajadi ay ka laheyd in ay sannadkaan ka mid noqoto afarta koox ee ugu sarreysa horyaalka Ingiriiska, kaddib marki ay xalay 2-0 uga badisay Chelsea.

Labada gool waxaa Arsenal u kala dhaliyay Alexandre Lacazette iyo Laurent Koscielny kuwaas oo ka farxiyay taageerayaashooda ku sugnaa garoonka Emarates ee ay ku ciyaarto Arsenal.

Chelsea waxaa ka muuqday baahida ah in ay aad ugu baahanyihiin gooldhaliye, kaddib marki ay awoodi waayeen in ay shabaqa la helaan gool iyadoo in ka badan 64 boqolkiiba heystay kubadda.


Waxay aheyd marki sadexaad ee ay Arsenal gurigeeda ku garaacday Chelsea muddo 10 sana ah. Waxay hadda ku jirtaa kaalinta shanaad waloow ay mid 44 dhibcood wada leeyihiin kooxda Manchester United oo iyaduna shalay 2-1 uga adkaatay Brighton.

Ciyaarihi kale ee shalay dhacay, Liverpool waxay sii kordhisay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka, kadib marki ay 4-3 uga badisay kooxda Crystal Palce, halka Wolves ay 4-3 ku qabatay Leicester City.

XS
SM
MD
LG