Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan dhex maray ciidamo Ethiopian ah iyo maleeshiyada Ururka al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhow tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur Hakaba, ka dib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ku sii jeeday dhinaca Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro, isla markaana ay arkeen ugu yaraan laba gaadiid ah oo gubanaya.

XS
SM
MD
LG