Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo duray siyaasiyiinta mucaaradka


Farmaajo

Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu soo xiryay kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka Soomalaiya.

Xafladaas oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadalkii uu halkaa ka jeediyay ayuu si kaftan ah ugu duray siyaasiyiin uu sheegay inay ka dambeeyeen mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo sanadkii hore muran badan dhaliyay oo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ay ka gudbiyeen madaxweynaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa jawaab ka bixiyay Siyaasiyiin u arkay inuusan kaftan aheyne uu ahaa weerar uu u bareeray inuu cid ku weeraro.

Wariyaha VOA-da Cabduqlaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG