Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deni oo amray joojinta daabacaadda lacagta


Deni
Deni

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku amray in la joojiyo daabacaadda lacagta shillin Soomaaliga.

Deni oo qoraalkan u kala diray guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan lacag la daabici karin nooc kasta oo ay ahaato.

Waxa uu sheegay in tani looga gol-leeyahay in kor loo qaado nolosha shacabka Puntland, loolana dagaalamo, buu yiri, sicir-bararka.

Deni ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku amray taliyaha ciidamada booliska Puntland in la joojiyey dismaha dhulka dowladda Puntland.

Waxa uu sheegay in dhulkaas bixintiisa uu awodd u leeyahay oo kaliya madaxweynaha Puntland.

XS
SM
MD
LG