Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn cusub ka gaysteen Gobolka Bay maalintii shalay.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Afrika ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqyantaasi ay dhacday Talaadadii shalay, kana dhacda degaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ku yaalla Gobolka Bay.
Goobtaasi ayaa Maraykanku sheegeen inay ahayd goob ay iska abaabulaan Al-Shabaab.
Lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay, baabuurna waa lagu burbiyey sida ay sheegeen taliska Maraykanka.
Maraykanku waxay sheegeen inaan dad rayid ah waxba ku noqonin weerarkaasi.
Waa duqayntii shanaad ee sannadkan Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya.