Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo martigelin doono Koobka Qaramada Africa


Xulka Masar
Xulka Masar

Dalka Masar ayaa martigelin doono ciyaaraha Koobka Qaramada Africa ee sannadkan , kaddib marki ay Talaadadi shalay Guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta Africa ay sidaasi go’aamiyeen.

Masar ayaa soo dhaweyn doonta 24-ka xul ee ku tartami doona koobka oo la ciyaari doono inta u dhaxeysa bilaha June-July.Martigelinta koobka Qaramada Africa ee Masar ayaa ka danbeysay kadib marki laga soo wareejiyay Cameroon oo ku guuldareystay in ay diyaar u noqoto sababo la xiriira diyaar-garoowgeeda oo aad u liitay.

Dalkaan dhaca Waqooyiga Africa ee Masar ayay noqon doontaa marki afraad uu tartankan marti geliyo, marki ugu danbeysay waxay aheyd sannadki 2006-dii.
Tartanka Qaramada Africa ee sannadkaan ayaa marki ugu horreysay waxaa ka qeybgali doona 24 koox.

XS
SM
MD
LG