Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Sare oo Hakiyay Wada-shaqeynti Aqalka Hoose


Xarunta Aqalka Sare
Xarunta Aqalka Sare

Aqalka Saree ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay ku dhawaaqey in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Aqalka Hoose ama golaha shacaba, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay hareer mareen qaabkii wadashaqeyneed ee labada Aqal ee Barlamanka.

Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegey in qaabkii loo marey ansixinta miisaaniyada iyo xisaab xirkii 2017-2018ki ay aheyd mid sharciga baalmarsan. Sidoo kale waxa qoraalkaas lagu sheegey in Aqalka hoose ay qaateen dhamanaba metelaadii barlamanka iyagoo xubno u dirsada shirarka caalamiga ah iyo kulamada aan dowliga aheyn.

Wariyaha VOA-da Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrimahan ka wareysatay, Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Golaha Aqalka Sare. Waxeyna ugu horeyn weydiisay sax ahaanshaha warqaddan iyo cidda soo saartay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo buuxa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00

XS
SM
MD
LG