Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo Hakisay Liverpool


City

Guuldarradi ugu horreysay xilli ciyaareedkan 2018/2019 ayaa xalay soo gaartay kooxda Liverpool kaddib marki ay 2-1 ku khasaartay ciyaar ay garoonka Ethihad Stadium kula dheeshay kooxda Manchester City.

Gool uu ciyaarta oo ay ka harsantahay 18 daqiiqo dhaliyay weeraryahan Leroy Sane ayay Manchester City ku garaacday hogaamiyaasha horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska.

City iyada ayaa hogaanka ciyaarta la hormartay daqiiqadi 40, kaddib marki uu gool u dhaliyay Aguero. Laakin qeybti labaad ee ciyaarta daqiiqadi 60-aad ayay Liverpool iska soo magtay goolkaas, waxaana u saxiixay Roberto Firmino, ka hor inta uusan Sane dhalinin goolka guusha.

Si kastaba, jabka dhalinyarada macallin Juergen Klopp kasoo gaaray ciyaartooyda tababare Pep Guardiola ayaa noqonayaa khasaarihi koowaad ee kooxdani soo gaara xilli ciyaareedkan, waxaa sidoo kale Liverpool ay hadda ka sarreysaa Man City 4 dhibic oo qura, halki ay awal ka horreysay 7 dhibcood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG