Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Waan lasii shaqaynaynaa Haysom


Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in go’aanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee la xidhiidha wada-shaqaynta ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom, aannu khusaynin.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom aan laga rabin Soomaaliya isla markaana uusan ka shaqayn karin waddanka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa maanta lagu sheegay in Hargeysa ay ka xun tahay go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay danjire Haysom.

Somaliland waxa ay ballan-qaaday inay sii wadayaan wada-shaqayntii ay la lahaayeen ergayga iyo lamaaha kala duwan QM.

Waxaa sidoo kale ay ku ammaantay Haysom shaqadii uu qabtay inta uu joogo xafiiska QM iyo dadaalladii uu u qaaday xalinta khilaafyada Soomaalida dhex-deeda iyo kan Somaliland iyo Soomaaliya.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Somaliland: Waan lasii shaqaynaynaa Haysom
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:16 0:00

XS
SM
MD
LG