Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la shaaciyey


Puntland
Puntland

Gudiga ansixinta golaha wakiilada iyo xalinta khilaafaadka ee Puntland ayaa caawa shaaca ka qaaday magacyada xubnaha cusub ee baarlamanka maamulka Puntland.

Baarlamanka ayaa ka kooban 66 xildhibaan, oo 49 ka mid ah ay yihiin xubno sanadkan ku cusub, halka 17 ay yihiin kuwo ku jiray xildhibaanadii hore ee golaha wakiilada Puntland..

Waxaa baarlamanka ku jirta kaliya hal xildhibaan oo haween ah oo lagu magacaabo Nimco Cabdi Caarshe oo kasoo gashay gobolka Sool.

Xubnaha cusub ayaa la filayaa inay doortaan guddoomiyaha baarlamanka, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Puntland.

Warbixintan waxaa Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la shaaciyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00

XS
SM
MD
LG