Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda


Baarlamaanka Soomaaliya
Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miizaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo shirgudoomiyaya kulanki maanta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, ayaa sheegay in dhamaan mudanayaashi fadhiyay kulanka ay wada ansixiyeen.

174 Xildhibaan ayaa haa ugu codeeysay ansixinta miisaaniyadda, ma jirin xildhibaan diiday am aka aamusay, sida uu sheegay guddoomiyaha.

Sidoo kale Xildhibaanada, ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeer Hoosaadka golaha oo dib u eegis lagu sameeyay, hal Xildhibaan oo kaliya ayaa diiday isbedelka lagu sameeyay xeer hoosaadka, halka 170 Xildhibaan ay ogolaadeen.

XS
SM
MD
LG