Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Sarkaal Shabaab ahaa oo xukun dil lagu fuliyey


Cabdulqaadir Abuukar
Cabdulqaadir Abuukar

Ninkii ka dambeeyey qaraxyo baabuur oo sanaddii 2017, 26 qof ku dilay islamrkaana 40 kale ku dhaawacay magaalada Muqdisho, ayaa maanta xukun dil ah lagu filiyey, sida uu uu sheegay dacwad oogaha maxkamadda milatariga Soomaaliya.

Dacwad ooge Cabdulle Buule ayaa sheegay in Cabdulqaadir Abuukar oo xubin ka ahaa kooxda Al-Shabaab lagu helay dambiyo la xiriira saddex weerar oo kala duwan.

Waxa uu sheegay inuu ka dambeeyey weerar lagu qaaday hotel oo lagu dilay 10 qof, qarax ka dhacay meel ku dhow wasaaradda cayaaraha oo sagaal qof ay ku dhinteen iyo qarax kale oo ka dhacay maqaayad oo toddoba qof ay ku dhinteen.

Xukunkan ayaa imanaya laba maalin un kadib markii weerar al-Shabaab ay ka fulisay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay ugu yaraan 30 qof, ayada oo in ka badan 50 kale ay ku dhaawacmeen.

Wariyaha VOA-da Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan ka soo diray magaalada.

Sarkaal Shabaab ahaa oo xukun dil lagu fuliyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00

XS
SM
MD
LG