Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Mooshinka buray ee Farmaajo


Farmaajo

Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinkii dhawaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu buray, ka dib markii uu buuxin waayay shuruudihii uu sharci ku sii noqon lahaa.

Qoraal ka so baxay guddoomiyaha baarlamanka ayaa lagu sheegay in wada hadallo dhowr ah ka dib xildhibaanaddii mooshinka soo gudbiyay ay goosteen inay ka noqdaan mooshinka.

Bishii March ee sanadkan ayaa mooshin xil ka qaadis oo sidan oo kale looga soo gudbiyay gudoomiyihii hore ee baarlamanka, waxa uu dhaliyay murran xooggan oo dhinaca sharciyadda ah, kaasoo ku dhamaaday cadaadis xooggan kadib in Jawaari uu xilka iska casilo.

Waa markii ugu horeysay ee xukumadda iyo baarlamanka ay dhexdooda ka xalistaan khilaaf heerkan oo kale gaarsiisan.

Hadaba maxey uga dhigantahay siyaasadda Soomaliya. Sahra Cabdi Axmed ayaa arrintan ka wareystay, Professor Cabdi Wahaab Sheekh Cabdi Samad oo ka falooda Arrimaha Geeska Africa.

Fallanqeyn: Mooshinka buray ee Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG