Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta xirnaa.
Lama yaqaan sababta loo xiray waddooyinka hase yeeshee mas’uuliyiinta Xisbiga Wadajir oo VOA-daa la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ay ka hojoogsadeen munaasabad baroor diiq ah oo ay magaalada ku qabsan lahaayeen.
Wariyaha VOA-da Xassan Kaafi Cabdiraxmaan qoyste ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.