Mooshinka laga gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey dhaqankii siyaasadda Soomaaliya.
Dhaqankaas ayaa ah ku mashquulidda khilaafaadka siyaasadeed oo ay socon waayaan howlaha dowladda.
Haddaba mooshinada noocan ah maxey uga dhiganyihiin siyaasadda Soomaaliya. Su’aalahaa iyo su’aalo kale ayuu Xuseen Barre Aaden weydiiyay Dr. Liibaan Ciise oo ka tirsan barayaasha Jaamacadda Muqdisho.