Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Moshin laga Gudbiyay


Farmaajo
Farmaajo
Dhageyso Wareysiga Xildhinnada Gudbiyay Mooshinka ka dhanka Farmaajo.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:04 0:00


Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay guddoonka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ka kacay qiyaano-qaran, isla markaana uu ku xadgudbay dasuurka qaranka.

Xildhibaannad waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu si aan waafaqsaneyn dastuurka qodobka 36aad uu dowladda Ethiopia uu ugu dhiibay Cabdikarim Qaldbi-Dhagax, taasoo xad-gudub ku ah dastuurka Soomaaliy.

Xildhibaannada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu heshiisyo iyo is-afarad qarsoodi ah la galay dowladda shisheeye, oo sheegay inay la saxiixdeen Soomaaliya heshiishyo lagu wareejinayo dekedaha Soomaaliya, Sidoo kalena lagu mideynayo waddamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Xildhibaannada ay qodobada kale ee madaxweynaha ku eedeeyeen waxaa ka mid ah inuu ku faragelin ku sameeyay arrimaha gaarka u ah maamul-goboleedyada, sida doorashooyinka, deeganaanshaha amni iyo siyaasaeed, isagoo ciidamo u diray si loo afduubo doorashada Koonfur-Galbeed.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa mooshinka ka guddoomay xildhibaanada.

Xafiiska madaxweynaha Somalia ayaan wali si rasmi ah uga hadlin mooshinak madaxweynaha laga gudbiyay.

XS
SM
MD
LG