Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galka Baarista: Amisom oo beenisay eedo la xiriira xadgudubyo galmo


Galka Baarista
Galka Baarista

Bishii Ogosto ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay xafiiskeeda UNSOS ee taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay eedo aan la xaqiijin oo ku saabsan xadgudubyo iyo ka faa'iidaysi dhinaca galmada ah oo la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane.

Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah.

Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor.

Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM.

Warbixintan waxaa inoo haya Haaruun Macruuf.

Galka Baarista: Amisom oo beenisay eedo la xiriira xadgudubyo galmo
please wait

No media source currently available

0:00 0:30:14 0:00

XS
SM
MD
LG