WASHINGTON: Somaliland ayaa laga hirgaliyey xarunta keydka shinnida halkaasi oo lagu uruurinayo noocyada kala duwan ee siidhka la beero, Wasiirka wasaarada horeumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo VOA u waramay ayaa sheegay inay sanadkan soo saareen ilaa sodon Ton oo siidh ah islamarkaana ay joojhiyeen in shinida ama siidhka dibada laga keeno kadib markii ay ogaadeen inuu dhibaato ku hayo, waxaana uu wasiir Seed uu u waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.