Dunidan waxaa soo maray dagaallo fara badan oo siyaabo kala duwan u dhacay, laakiin axaa jira laba dagaal oo quwadaha aduunka ay isku hardiyeen oo loo yaqaan dagaalkii 1-aadiyo kii 2-aad ee dunida.
Dagaalkii 1-aad ee dunida ayaa dhacay intii u dhaxeysay 28-kii July sanadkii 1914-kii iyo kii 2-aad oo socday intii u dhaxeysay 1-dii September 1939-kii ilaa iyo bishii labadii September, 1945-kii.
Haddaba barnaamijkeenna Bandhigga VOA, ayaan todobaakan ku eegeynaa taariikhda dagaaladaasi waa weynaa ee dunida soo maray. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.