Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga maaliyadda baarlamanka oo la kala diray


Xildhibaanada
Xildhibaanada

Guddoonka baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu kala diray guddigii Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la-Xisaabtanka ee baarlamanka.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka, Cabdi Weli Ibraahim Muudey ayaa lagu sheegay in sababta loo kala diray guddiga ay la xiriirto “khilaaf meel sare gaaray oo ka dhex jira xubnaha guddiga.”

Muudeey ayaa qoraalkiisa ku sheegay in guddigan ay sidoo kale sameeyeen “xadgudubyo dhanka ah xeer heesoodka ah” oo la xiriira warbixin ay dhowaan soo saareen oo musuq-maasuq ku eedeysay xukuumadda.

Guddoonka baarlamanka ayaa sheegay in si deg deg ah ay usoo dhisi doonaan guddiga cusub, lana qaban doono doroashada guddoomiyaha guddigaas.

XS
SM
MD
LG