Ururuka ONLF ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan jabhadda oo saldhiggoodu ahaa dalka Eritrea inay bilaabayaan inay toddobaadkan dib ugu soo laabtaan Itoobiya.
Ciidamadan ayaa soo gaari doonaa gobolka ismaamulka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga.
Dhinaca kale ONLF waxay sheegtay in colaaddii dhowaan ka dhacday magaalada Mooyaale ay kala hadleen dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Oromada.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrimahan ka waraystay Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge “Caddaani”.