Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey cayaaraha NBA


Kulamo ka tirsan horyaalka kubadda koleyga ee Mareykanka ee NBA, ayaa la cayaarey.

Kooxda Golden State ee haysata horyaalnimada cayaaraha NBA-da Mareykanka islamarkaana hogaanka u heysa kooxaha galbeedka ayaa xaley dhadhamisey guul darradii sadaxaad.

Golden State ayaa waxaa ka badisay kooxda LA Clippers, waxaana looga adkaadey 121 dhibcood iyo 116 dhibcoood.

Kooxda Golden State oo cayaartey 14 kulan oo horyaalka ah ayaa laba kamid ah lagasoo badiyey balse kulankii xaley wuu uga duwanaa sababtoo ah waxaa kusoo xigta kooxda Portland Trail Blazers oo ay isku dhibco noqon doonaan hadii ay badiso kulan baaqi u ah oo ay habeen dambe la ciyaari doonto LA Lakers.

Golden State oo ah kooxda kaliya ee halmar kulmisey inta ugu badan ee xidigaha All-Star-ka loo yaqaano ayaa lumisey dhibco badan marka isbarbar dhig lagu sameeyo guul darrooyinka ay la kulantey, tirada kulamada ay hadda cayaartey iyo sanadkii hore, balse lama oga waxa dhici doona dhamaadka xilli cayaareedka inkastoo kooxda Portland Trail Blazers ay sanadkaan lasoo baxdey wacdaro la yaableh iyo qaab ciyaareed wanaagsan.

XS
SM
MD
LG