Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madoobe ma Booqanayaa Gedo?


Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ayaa sheegay inay kasoo horjeedeen in madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland uu booqdo magaalada Garbahaaray. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo iyo xubno kale oo bulshada ah ayaa sheegay inay tallaabadaais kasoo horjeedaan. Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca hogganaka Jubbaland oo muujinaya in madaxweynaha Maamul Goboleedkaas Axmed Maxamed Madoobe uu ku wajahan yahay Gobolka Gedo.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrintan ka waraystay Guddoomiye ku xigeenka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka ee dhinaca amniga iyo siyaasadda.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00


BACK ANNOUNCEMENT: Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay dhinaca maamulka Jubbaland, xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland oo lagu magacaabo Aadan Aw Xirsi ahna Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Jubbaland ayaa VOA u sheegay sheegay inaanu jirin wax safar ah oo haatan u qorshaysan madaxweynaha inuu ku tago magaalada Grabahaaray, balse madaxweynaha Jubbaland uu tegi karo degaannada Jubbaland xiliga uu doono.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG