Ciidamada amniga ee magaalada Garoow ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay qabteen laba nin oo lagu tuhunsan yahay dil xalay ka dhacay magaalada.
Dilka ayaa loo geystay nin dhalinyarao ah oo ka mid ah ardayda Jaamacadaha oo toogasho lagu dilay.
Dadweynaha magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay dilkaasi ka xumaadeen iyadoo ardayda jaamacadduna ay maanta joojiyeen duruustii magaalada Garoowe.
Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan noo soo diray.