Isgaadhsiintu waxay ka mid tahay adeegyada ugu badan ee xawliga ku socda, waxaana Somaliland ka jira shirkado kala duwan oo bixiya adeegyo intooda badan aanay dalalka kale ee Afrika gaarin, sida adeegga lacagta telefoonka gacanta la isugu diro ee E-dahab iyo Zaad.
Shirkadda Telesom ayaa ka mid ah shirkadaha sannadkan ku jira sagaal shirkadood oo loo soo xulay in ay u tartamaan abaalmarin sannadkiiba mar lagu abaalmariyo shirkadaha horumarka ka sameeyay isgaadhsiinta Afrika.
Agaasimaha Horumarinta Bulshada ee Shirkadda Telesom, Cabdiwahaab Maax ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye uga waramay abaalmarintaas.