Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Xiriirka Soomaaliya oo Muqdisho ku shiray


Kooxda Xiriirka Soomaaliya
Kooxda Xiriirka Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa ku qulqulaya wufuud ka kala socota 15 dal oo ku bahoobay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islamaka (OIC), oo ay 57 dowladood ku jiraan.

Wufuuddan ayaa ka qeyb gali dona kulan heer wasiiro ah oo uga furmaya Muqdisho.

Shirkan ayey Soomaaliya martigelineysaa, iyadoo la raacayo qaraaradii ka soo baxay shirarkii ka horeyay ee 44-aad iyo 45aad ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Kullankan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa amniga iyo soo celinta kala dambeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladda.

Hadaba shirkan iyo ahmiyadda uu u leeyahay Soomaaliya ayuu Nuur Xasan Nuur wax ka weydiiyay Dr. Maxamed Nuur Gacal, Wasiiru dowlihii hore ee Arimaha Dibadda, horeyna ula soo shaqeeyay ururkan OIC.

Shirka OIC ee Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00

XS
SM
MD
LG