Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qurbe: Shirkad socdaal oo adeeg cusub usoo kordhisay Soomaalida


Abuukar Tuke
Abuukar Tuke

Shirkad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa arrimaha socdaalka, ayaa arrin ku cusub Soomaalida dhexdooda ku soo kordhisay adeegyada ay qabato.

Shirkadda Tuke Travel ee fadhigeedu yahay dalka Sweden, ayaa waxay sameysaa adeegyo dadka safraya ay tikidhada ugu sahasho. Waxase ay Tuke Travel hadda soo kordhisay in dadku ay si iskooda ah internetka kaga goostaan tikidhada.

Abuukar Maxamed Xuseen (Tuke) oo ah milkiilaha shirkaddaasi, ayaa sheegey in adeegyada ay dadka Soomaaliyeed dhexdooda ku soo kordhiyeen ay ku jirto in sidoo kale dadku ay lacagaha tikidhka iska kala yareeyaan, oo qeybba ay mar bixiyaan.

Adeeggan ayaa waxa soo dhaweeyay qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee safarrada gala. Waxaana Barnaamijka Qurbe toddobaadkan marti ku ah Abuukar Tuke oo faahfaahinaya sidey arrintani ku billaabeen.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa soo jeedinaya.

Dhageyso Barnaamijka Qurbe
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:15 0:00

XS
SM
MD
LG