Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo 2-0 ku garaacday Inter Milan


 Barcelona
Barcelona

Ciyaaro xiiso leh oo ka tirsan wareega 1-aad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ayaa xalay ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Qaaradda Yurub.

Kooxda Barcelona oo uu xalay ka maqnaa xiddigooda Lionel Messi ayaa guul mihiim ah ka gaartay naadiga Inter ee dalka Talyaaniga, kaddib marki ay ugu awood sheegatay 2-0.

Labadan koox oo ka wada tirsan Group B ayaa xalay ku lagdamay garoonka Camp Nou ee magaalada Barcelona, waxaana goolasha Barca u kala dhaliyay Rafinha iyo ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara ee Jordi Alba.

Guushaan ayaa Barca u qaadday kaalinta koowaad ee qeybta B, waxa ay leedahay sagaal dhibcood, halka Inter ay leedahay 6. Waxaa ugu hooseeya PSV Eindhoven iyo Tottenham Hotspur oo leh min hal dhibic oo ay ka helaan kulan ay wada ciyaareen xalay kaasoo ku dhamaaday barro 2-2 ah.

XS
SM
MD
LG