Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka maamulka Galmudug oo kasii daraya


Galmudug
Galmudug

Waxaa wali taagan khilaafka maamulka Galmudug. Masuuliyiinta maamulka ayaa kala fadhiya xarumo ku kala yaala Dhuusomareeb iyo Cadaado kadib markii ay isku maandhaafeen fulinta qaar ka mid ah qodobo ka soo baxay heshiiskii Ahlu-Sunn Waljameeca iyo Galmudug.

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee madaxda maamulka ayaa sababtay xil ka qaadis qaar ka mid ah xubnaha sare ee madaxda iyo doorashooyin lagu buuxinayo boosaskii la sheegay in laga qaaday.

Waxaa 14-ka bishan Dhuusamreeb ka dhacday doorasho guddoomiye baarlamaan oo horay xildhibaano ku sugan Dhuusamreeb ay xilkii uga qaadeen halka Cadaado xildhibaano ku kulmay ay iyana sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha, taasi oo keentay in 20-kii bishan xildhibaano ku shiray Cadaado ay madaxweyne u doorteen Axmed Maxamed Xasan Baasto.

Wararkii u dambeeyay ee xiisaddan siyaasadeed waxaa Gaalkacyo ka soo diray Wariye C/Waaxid Macallin Isaaq.

Khilaafka maamulka Galmudug oo kasii daraya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:22 0:00

XS
SM
MD
LG