Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin kasoo baxaysa duqeyn lala beegsaday Shabaab


Shabaab

Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay duqayn ka dhacday barrtmaha Somalia todobaadkan ayaa sheegaya in ciidamadada Maraykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda ee Somalia ay duqeyntaa ku dileen 60 ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalkaas oo ay wadajir u fuliyeen labada dhinac lagu guuleystay hadafkii laga lahaa.

Shalay ayaa war ka soo baxay dowladda Somalia lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday 12-kii bishan burburiyay saldhig ay Al-Shaabab ku lahaayeen meel ku dhow degmada Xarar-dheere ee Gobolka Galguduud.

Duqayntan ayaa lagu tilmaamay tii ugu khasaaraha badnayd ee sanadkan uu Mareykanka ka fuliyo Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay inay wadaan qiimayn lagu ogaanayo in uu jiro khasaare rayidka ka soo gaaray duqantaas iyo in kale.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG